Madaxtooyada Soomaaliya Oo Ka Warbixisay Kulankii Maanta

 

21-02-2021

 

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa War-murtiyeed kasoo saartay Shirkii uu maanta shir guddoomiyey Madaxweynaha Waqtigiisu Dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo ay ka qeyb-galeen Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxaana goobjoog ka ahaa Wakiilada Beesha Caalamka oo uu hogaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, waxaana looga hadlay Ismariwaaga Doorashada.

Sidoo kale waxa Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya lagu sheegay in shirkaas diirada lagu saaray ‘Xal u helidda Caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar’, ayada oo la isku raacay in talo soo jeedintii guddiga ay soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada.

Shirka maanta ayaa waxa uu hordhac u yahay kulankii uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha Waqtigiisu Dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo uu iskugu yeeray Madaxda Dowladda, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, islamarkaana ku taariikheysnaa 18-ka ilaa 19-ka bishan.

Xigasho: Daafeet News

Leave a Reply