Guddigii Dowlad Goboleedka Jubbaland U Joogay Muqdisho Oo Dib Ugu Laabtay Kismaayo + Sababta

 

20-02-2021

 

Guddigii Farsamada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland uga qeyb galay Shirkii looga hadlaayay Arrimaha Doorashooyinka ee dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.

Guddiga oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho una joogay qaban qaabada Shirka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay inay dib ugu laabteen Kismaayo oo markii horey ay ka yimideen.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Sababta Guddiga Farsamada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ay uga tageen Caasimadda Dalka ay tahay mid la xiriirta Rabshadihii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho, una dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa daacad u ah Musharaxiinta.

Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu Dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dhacaya Muqdisho.

Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ayaan weli soo gaarin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka, waxaana haatan Magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo shalay iyo dorraad yimid.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply