Daahir Maxamuud Geelle “Ninkii Banaanbaxa Nabadeed Diiday, Ma Ogolaan Doono Inay Dhacdo Doorasho Lagula Tartamo”

 

20-02-2021

 

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in shaqaaqadii shalay ila habeen kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ay aheyd isku-day dil dhameystiran oo uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uu sheegay in Rasaastii Ciidamada Dowladda ku rideen Hotelka Maa’ida (Ex-Naasa Hablood) la doonayay in lagu dilo Madaxweynayaashii Hore ee Dalka.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Rasaastii Shalay lagu furay xubno uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Dalka ay iyana aheyd shirqool kale oo la doonayay in Ciidamadii Difaaca Cadawga loogu talo galay ay ku dilaan Musharixiinta & Dadka Kale.

“Wixii shalay wuxuu ahaa Shirqool la doonayay in Madaxweynayaal Hore lagu dilo, dadka aan aqoon Ciidamada waxaan u sheegayaa waxaa jirta Maahmaah ah: Xabada waa inay qoriga ku jirto ama qof ku jirto,“ ayuu yiri Musharax Daahir Maxamuud Gelle.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kusii daray in Musharixiinta ay doonayeen inay fagaaro ka hadlaan, balse laga hor-istaagay, waxaana uu si cad u sheegay in dhibaatadii dhacday inay ku dacweyn doonaan Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi farmaajo oo uu sheegay in amarkaasi uu bixiyay.

Xigasho: Somali Weyn News

Leave a Reply