Kheyre ”Waxaan Ka Badbaaday Isku Day Dil Oo La Doonayay In La Igu Khaarijiyo”

 

19-02-2021

 

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre kana mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu khaarijiyo.

Kheyre ayaa kamid ahaa Musharaxiin dooneysay inay Banaanbax lug ah ku tagaan Daljirka Dahsoon balse rasaas lagu kala eryey iyagoo ku sugan meel ku dhow Lambar 4.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan;

“Waxaan aniga iyo dhowr Musharax oo u taagan Xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, Masuuliyiin kale iyo Shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo.

Xalay saqdii dhexe waxaa weerar lagu qaaday Madaxweynayaashii Hore ee dalka, waxaana kasii digay natiijada siyaasada ku dhisan xukun isku dhajinta ee masiirka dalka godka looga tuurayo.

Hadii uu Harsanaa Qof, uu Shaki Uga Jiray Aragtida Siyaasadeed ee Ku Dhisan Kali-talisnimda iyo Xukun Isku-dhajinta, Weerarkii Xalay iyo Isku Deygii Dilka Musharaxiinta aan Kamid Ahaa ee Maanta Haku Cibri-qaateen.

Waxaa laga talaabsaday Dastuurkii Dalka, waxaa la jabiyay Dhaqankii Dowladnimada iyo Xeerarkii Bulshada ka dhaxeeyay, waxaana loo bareeray Dilka Madax Hore iyo Musharaxiin Madaxweyne, Xildhibaanno iyo Muwaadiniin aan waxbo galabsan, Dadkana waxaa loo Diiday inay Dareenkooda Cabiraan, Maxaa Harsan oo Xiga?”

Xigasho: Jowhar News

 

Leave a Reply