Howlihii Duulimaadka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Ee Muqdisho Oo La Hakiyay

 

19-02-2021

 

Howlihii Duulimaadka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa la hakiyay, iyadoo Madfac uu ku dhacay Gudaha Garoonka, gaar ahaan goob kamid ah Goobaha Ganacsiga ee ku yaalla Gudaha Garoonka, waxaana la arkayay uuro iyo qiic ka baxayay.

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Rasaas loo waday Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha ay ku dhacday Garoonka.

Waxaa uu nasiib daro weyn ku tilmaamay in maanta Garoonka Dowladda ay Duqeeyaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu xirmo.

Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 ayaa ah mid Ciidan, iyadoo Rasaas laga maqlayay, goor sii horeysay.

Wadadaas waxaa lagu rasaaseeyay qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta oo Bannaanbax socod ah ku marayay wadadaas.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply