CC Shakuur Oo Si Kulul Uga Hadlay Rasaas Ay Ciidanka Dowladdu Ku Fureen Dad Bannaanbaxayay

 

19-02-2021

 

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay rasaas ay Ciidanka Dowladdu ay ku fureen Dad Bannaanbaxayaal ah oo ay hoggaminayeen qaar kamid ah Midowga Musharixiinta.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in Xabado (Rasaas) oodda looga qaaday Shacab iyo Hogaamiyayaal kamid ah Midowga Musharixiinta, kuwaasi oo uu sheegay in ay Si Nabad ah u Mudaaharaadayeen. Wuxuu intaa uu ku daray in ciidankaasi ay ahaayeen kuwo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo.

“Maleeshiyaadka Xabadda ooda uga qaaday Shacabka iyo Hogaamiyayaalka Sida Nabadda ah u mudaaharaadayey ee ka amar qaataan Keli Taliska Xilligiisa Dhamaaday ee Ina Farmaajo danbiga ayey isku sii badinayaan. Way dhowdahay maalintii marinkooda la marin lahaa. Reer Muqdisho waxaan leeyahay dhiigya cabka waad aragteen, waxaa idiin dhiman in aad iska dhicisaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply