Bannaanbaxyo Ka Bilawday Muqdisho Iyo Rasaas La Maqlay

 

19-02-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday Banaanbaxyadii ay ku baaqeen Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Banaanbaxan uu ka dhacay Agagaarka Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxayaasha ayaa la kowsaday Rasaas ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay kusoo ridayaan Banaanbaayaasha muujinayay Cabashooyinkooda la xiriira Gudiga Dooraashada ee Halka Dhinac ah iyo Gudiga Farsamada Doorashooyinka ee isna Halka Dhinac ah isla markaana ay magacaabeen Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Usii Hayaha Xilka Ra’isul Wasaaraha oo ah Maxamed Xuseyn Rooble oo isna Waqtigiisa Dhamaaday.

Bannaanbaxayaashan waxaa hoggaaminayey Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Murashax Xasan Cali Kheyre, Murashax Cabdikariim Xuseen Guuleed, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseyn Odowaa.

Xalay ay aheyd markii ay Ciidanka Dowladda ay fulinayeen Amarka Madaweynaha Waqtiqiisa ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isla markaana ay xirayeen qaar kamid ah Waddooyinka Muqdisho, iyada oo ujeedada kasii dambeysana ay aheyd in la baajiyo Banaanbaxyada ay ku baaqeen Midowga Murashixiinta, Maalinta Jimcaha oo ay taariikhduna tahay 19-ka Febraayo 2021-da.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

 

Leave a Reply