Murashixiin Laga Hor Istaagay Hotel Ay Muqdisho Ka Degi Rabeen

 

18-02-2021

 

Warar hoose oo la helay ayaa ku waramayo in Ciidamo katirsan Dowladda Soomaaliya ay is-horistaageen Hoteel ay degi rabeen qaar kamid Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee Mucaaradka ah.

Warka wuxuu ku darayaa in Hoteelka ay Ciidamada katirsan Dowladda Soomaaliya ay is-horistaageen, uu yahay Hotel SYL, kaasoo ay degi rabeen Murashixiinta Madaxweyne oo kala ah Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Is-horsitaaga ay Ciidamada katirsan Dowladda Soomaaliya ay ka sameynayaan Hotel SYL isla markaana ay ku sameynayaan Murashixiinta Madaxweyne oo kala ah Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa kusoo aadayo iyadoo Maalinta Berito oo Jimcaha ah uu dhcayo Banaanbixii Weynaa ay ku baaqeen Midowga Murashaixiinta Madaweynaha Soomaaliya taarkhiida markey ay aheyd 14-tii Febraayo ee sanadkan 2021-da.

Shalay ay aheyd markii ay Dowladda Soomaaliya ay soo saareysay Amarada Ay Ku Joojineyso Isu Imaatanka iyo Dibadbaxyada, iyada oo markaasi ay Marmarsiiyaha ka dhiganeysay Kiisas Cusub ee Cudurka Koroonafeyruus (Coronavirus) oo laga helay Soomaaliya.

Ha yeeshee, Ujeedada ka Dambeyso Amarada Cusub ayaa lasoo sheegayaa iney yihiin Marmarsiiyo, si markaasi loo baajiyo Banaanbaxa Weyn ay ku baaqeen Midowga Murashixiinta Madaweynaha Soomaaliya.

Horay ayaa leysu weydiyay “Weysha Iyo Weerta, Maxaa Mar Wada Kulmiyay?”.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

 

Leave a Reply