Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Warceliyay Amaradii Dowladda Soomaaliya

 

18-02-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe waxey soo saartay Amaro ay ku sheegtay in looga hortagayo Faafitaanka Cudurka Koroonafeyrus (Coronavirus), iyada oo Amarada Cusub ee Dowladda Soomaaliya ay saameynayaan Banaanbixii Weynaa ay ku dhawaaqeen Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana ay ku aaddiyeen inuu dhaco 19-ka Febraayo oo ah Maalin Jimco.

Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo ka warcelinayo Amarada Cusub ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxey sheegeen in marnaba aan Banaanbaxaasi la baaji doonin kol hadey u diyaarsan yihiin Qalabadii Kahortaga Faafitaanka Cudurka Koroonafeyrus (Coronavirus).

Cabdullahi Cabdi Maxamed oo ah ah Afhayeenka Guddiga Badbaadada Doorashada ee Garabka Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cadeeyay in Xaqa Datuuriga ah uu Dadweynaha u ogolaanayo Banaanbaxyada, si markaasi ay Dadweynaha usoo bandhigaan Aragtidooda iyo Cabashooyinkooda, iyagoo kusoo gudbinayo Banaanbaxyada ay dhigayaan.

Afhayeen Cabdullahi Cabdi Maxamed waxaa kale uu sheegay in Muqisho ay ka wadaan Abaabulkii Ugu Dambeeyay ee Banaanbaxa isla markaana ay go’aansadeen in Madaxda Midowga Murashixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dadweynaha kalaba ay Salaada Jimcaha kuwada Dukadaan halka uu ka dhacayo Banaanbaxa oo ah Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeystii, wuxuu Afhayeenka sheegay in la diyaariyay Baabuuro soo qaado Dadka Rabo Ka-qeybgalka Banaanbaxa isla markaana keeneyso Goobta Banaanbaxa oo ah Taalada Daljirka Dahsoon.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

Leave a Reply