Shir Uu Isugu Yeeray Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday Ee Soomaaliya

 

17-02-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa inuu shir isugu yeeray 5-ta Dowlad Goboleed ee ka jira Soomaaliya, iyo Gobolka Banaadir oo aananba aheyn Wax Dowlad Goboleed; iyadoona uu ka duulayo Heshiiskii 17-dii Sebteembar ee Doorashooyinka ee sanadkii 2020-kii isla markaana uu kusii saleynayo Talooyinkii ay usoo gudbiyeen Guddigii Farsamo ee Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Magaalada Baydhabo bishan Febraayo taariikhda markey aheyd 15-tii ilaa iyo 16-dii Febaraayo ee sanadkan 2021-da.

Warka wuxuu ku darayaa in shirka uu bilaaban doono Maalinta Khamiista oo ay taariikhda tahay 18-da bishan, uuna shirka dhamaan doono Malinta Jimcaha oo ay taariikhda tahay 19-ka bishan, iyadoo uu shirku ku qabsoomi doono Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Galabta, 17-da Febraayo, 2021-da ay aheyd markii ay Dowladda Soomaaliya ay soo saareysay Amarada ay ku joojineysay Isu Imaatanka iyo Dibadbaxyada, hadane wuxuu Madaxweynaha Waqtigiisa Dhamaaday uu isugu yeeray shir ay yeelanayaan 5-ta Dowlad Goboleed ee ka jira Soomaaliya, iyo Gobolka Banaadir oo aananba aheyn Wax Dowlad Goboleed.

Ugu Dambeynti, horaa loo yiri “La jiifiyaane banaan, la joojiyaana banaan”.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isla markaana sii kulul.

 

Leave a Reply