Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Gaaray Dhuusamareeb

 

17-02-2021

 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka Amniga Galmudug Amed Macalin Fiqi iyo Saraakiil katirsan Qeybta 21aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed.

Ujeedada Wafdiga Wasaaradda Gaashaandhiga ee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay Qiimeynta Xagga Amniga Gobalka, Furista Maxkamadda u gaar ah Ciidamada ka howlgalla Degaannada Galmudug iyo Dar-dar Gelinta Howlaha Maxkamadda Ciidamada.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Fedearalka ah ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa ay Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), iyaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah. – Hiiraan Weyn News

 

Leave a Reply