Sawir Qaade Lagu Dilay Magaalada Muqdisho Iyo Faah-faahin Kasoo Baxeysa

 

17-02-2021

 

Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Awalad Yare) oo ahaa Sawir Qaade iyo Muuqaal Duube siweyn looga garanayay Magaalada Muqdisho ayaa lagu waramayaa in koox hubeysan ku dhex dileen gudaha Studio uu ku lahaa Degmada Howl-wadaag.

Qof ay saaxiibo dhaw ahaayeen Marxuumka oo la hadlay HOL ayaa sheegay in rag hubeysan subaxnimadii hore ee saakay ugu taggeen goobtiisa shaqada kaddibna ay halkaa ku toogteen.

Marxuumka ayaa caan ku ahaa Duubista Xafladdaha kala duwan sida Aroosyada iyo Munaasabadaha kale ee leysugu yimaado, hasse ahaatee warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu ahaa Sawir Qaade la shaqeyn jiray Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilka marxuumka sidoo kalana wali kama aysan hadal Laamaha Amniga Dowladda Soomaaliya. – Hiran Online News

Leave a Reply