Khasaare Culus Oo Ka Dhashay Weerar Ay Al-Shabaab Ka Fuliyeen Gobolka Mudug

 

17-02-2021

 

Wararka aan ka heleyno Gobolka Mudug waxay sheegayaan in Ururka Al-Shabaab ay xalay weerar culus ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Jiiqdheere oo hoos taga Deegaanka Bacaadweyn ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Ugu yaraan 8-qof oo seddax tahay dad rayid ah ayaa ku geeriyootay dagaalka oo u dhaxeeyey Dadka Deegaanka iyo Ciidanka Militeriga oo is garabsanaya iyo dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo weeraray deegaanka.

Sarkaal katirsan Ciidamada Qeybta 21aad ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Deegaanka Jiiqdheere ay 5 xubnood uga dileen Al-Shabaab.

Sidoo kale Al-Shabaab waxay isla xalay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen Degaanka Bacaadweyn, balse lagama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Degaanka Bacaadwyen iyo degaano kale oo ku dhow ayaa waxaa horay dagaalo culus ay ku dhex-mareen Ciidamada Dowladda iyo Dadka Deegaanka oo iskaashanaya iyo xubno katirsan Al-Shabaab, dagaaladaas oo sababay khasaare nafeed, mid hantiyadeed iyo barakaca boqolaal qoys oo deegaanadaas ku nool. – Radio Kulmiye

Leave a Reply