Dowladda Soomaaliya Oo Heshay Marmarsiiyo Ay Ku Joojiso Banaanbixii Ay Midowga Murashiiinta Ku Baaqeen 19-ka Febraayo, 2021

 

17-02-2021

 

Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo sheegayaa in Dowladda Soomaaliya ay joojisay Isu Imaatanka iyo Dibadbaxyada, iyada oo ka duuleyso, waa sida lasoo sheegayee, Kiisaska Cusub ee Cudurka Koroonafeyruus (Coronavirus) ee laga helay Soomaaliya.

Warkan kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu jawaab u noqday qoraalkii Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ay u direen Haya’daha Aminga isla markaana ay uga codsanayeen in Amaanka La Ilaaliyo inta uu socdo Banaanbaxa Maalinta Jimacaha ee 19-ka Febraayo, sanadka 2021-da.

Hubaashii, Dowladda Soomaaliya waxey heshay Marmarsiiyo ay Ku Joojiso Banaanbixii ay Midowga Murashiiinta Ku Baaqeen Maalinta Jimcaha, 19-ka Febraayo, 2021.

Halkan Hoose Baa Laga Aqrisan Karaa Qoraalka Dowladda Soomaaliya

 

Leave a Reply