Kulan Looga Hadlay La-Dagaalanka Al-Shabaab Oo Ka Dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida Ee Itoobiya

 

16/02/2021

 

Magaalada Dirirdhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay kulan looga hadlay aaladda Amniga ee Bariga Itoobiya iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Hay’addaha Amniga Dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa kala sida, Deegaanada Soomaalida, Oromada iyo Canfarta ayaa lagu gorfeeyay sida lagu xaqiijin karo amniga deegaanadaas.

Sidoo kale intuu socday kulanka ayaa waxaa laga wada hadlay sidii ay wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Hay’addaha Amniga qeybahooda kala duwan ee Soomaalida, Oromada iyo Canfarta ee Dowlad Deegaanka.

Taliye Ku-xigeenka Booliska Federaalka Itoobiya Melaku Fenta ayaa Saraakiisha Ciidanka faray inay xoojiyaan Sugida Amniga, isla markaana laga hortego wax kasta oo keeni kara Amni Xumo iyo Al-shabaab.

Melaku Fenta, Taliye Ku-xigeenka Booliska Federaalka ayaa Shacabka kunool Deegaanada Soomaalida ee Dowlad Deegaanka ka dalbaday inay la shaqeeyaan Ciidanka Amniga, sidoo kalena la joojiyo dagaalada mararka qaarkood dhaca.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply