Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Ee Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Ka Wabixiyay Arrimaha Doorashooyinka Iyo Nabadgelyada Gobolkaasi

 

16/02/2021

 

Hargaysa (SOLNA) – Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Cismaan Xasan oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay Arrimaha Doorashooyinka, iyo Nabadgelyada gobolkaasi.

Ugu horreyn Guddoomiyihu waxa uu ka hadlay safar shaqo uu ugu maqnaa Caasimadda Dalka ee Hargeysa, kaas oo uu sheegay in Baahiyihii Gobolka yaallay ay kala soo hadleeyeen Hay’adaha iyo Wasaaradaha Dawladda ee Somaliland sidii wax looga qaban lahaa isla markaana loo dardar gelin lahaa Xidhiidhka ka dhexeeyda Gobolka iyo Dawladda dhexe ee Somaliland.

Dhanka kale, Guddoomiyihu waxa uu ka hadlay Arrimaha Diiwaangelinta, Kaadh Badalka iyo Goob Badalka oo ka socda 18 Goobood oo kamid ah Gobolka Sanaag, waxaanu ugu baaqay Bulshada ku dhaqan gobolkaasi in ay ka faa’ideystaan Wejiga Labaad ee Diwaangelinta oo uu sheegay in ay muddo yar socon doonto.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cismaan Xasan waxa uu ka hadlay qaybo kamid ah Beeraha Seeraha iyo Goobaha Dalxiiska ee Buurta Daallo oo maalmihii ugu dambeeyay gubtay, isaga oo ugu baaqay dadka ku hareeraysan goobahaasi in ay ka taxadarraan dabka ay ku tuurayaan dhulka xilliga dabaylahu jiraan, kuwaas oo khatar u geysan kara deegaanka iyo dadka ku dhaqan.

 

Leave a Reply