UPDATE 1 – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Ka Hadlay Banaanbaxa Midowga Musharaxiinta Ay Ku Baaqeen

 

16-02-2021

 

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan Banaanbaxa Ballaaran ay ku dhawaaqeen Midowga Musharaxiinta.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo soo duubay muuqaal ayaa shacabka u sheegay in Banaanbaxa Maalinta Jimcada ka dhici doono Fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir ay hoggaaminayaan Musharaxiinta Madaxweynaha.

“Waxaan ugu baaqeynaa Shacbka Muqdisho inay ka soo qeybgalaan Banaanbax lagu doonayo Xuquuqda Shacabka oo ah in aan Kelitalis Dalku Xukumin,” ayuu yiri Cabdiraxman cabdishakuur.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in Muddo Xileedka Dastuuriga Afarta Sanno  ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dhammaatay, isla markaana kursiga uusan ku joogin sifo sharci ah ama mid lagu heshiiyay.

Ugu dambeyn Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa uga digay cid kasta oo dooneysa inay carqaladeyso Banaanbaxa Maalinta Jimcaha ka dhici doono Taalada Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir, isagoo mar kale shacabka ugu baaqay inay kasoo qeyb galaan.

Xigasho: Jowhar News

 

Leave a Reply