Shirkii Waddatashiga Madaxda DF Iyo Dowlad Goboleedyada Oo Dib U Dhacay

 

15-02-2021

 

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan ku baaqay in 15ka bisha Feberaayo oo maanta ku beegan Magaalada Garoowe uu ka furmayo shir wada tashi ah oo ay isugu imanayaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Laakiin shirkan ayaa dib u dhacay kaddib markii Madaxda Dowlad Gobolleedyada iyo Dowladda Dhexe isku qabteen halka shirkan uu ka dhacayo kaddib markii Puntland ku gacanseyrtay in lagu qabto Magaalada Garoowe.

Sii Hayaha Xilka Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa maalntii shalay magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad Dobolleedyada iyo Gobolka Banaadir oo yeelan doona kulamo loogu gogol xaarayo shirka uu iclaamiyay madaxweynaha sii haya xafiiska ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiyadan oo mid labo xubnood ka kooban ayaa la filayaa in ay ku shiraan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Marka laga soo taggo guddiyada uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha waxaa wali jirta hubinta la’aan la xiriirta halka uu ka furmayo shirka ay isugu imanayaan Madaxda DF iyo Dowlad Goboleedyada.

Xigasho: Hiran Online News

 

Leave a Reply