Xasan Sheekh “Farmaajo Marabo In Dalkaan Ay Ka Dhacdo Doorasho”

 

14-02-2021

 

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya uu Hoggaanka Waqtiga Muddo Xileedkooda uu ka Dhamaaday isla markaana ay ku fashilmeen inay dalka ka dhacdo doorasho.

Xasan Sheekh oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, waxaa uu sheegay in Farmaajo uusan xilligaan xalka qeyb ka aheyn, hayeeshee uu qeyb ka yahay mushkilada dalka kajirta.

Waxaa uu sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Muddo Afar Sano ah uu dalkaan maamulayay, sidoo kalena aysan jirin cid heysatay xilkiisa, balse markii uu dhamaaday muddo xileedkiisa aysan ka aqbaleyn in uu sii joogo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhamaaday, uusan dooneyn in dalkan ay ka dhacdo doorasho.

Hadalka Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadaya xilli Midowga Musharixiinta oo uu kamid yahay ay ku dhawaaqeen Banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo, kaasoo ay ku aadiyeen in uu dhaco 19-ka Bishan Febraayo oo ku beegan Maalinta Jimcaha ah.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply