Wefdi Uu Hoggaaminaayo Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad Ee Golaha Shacabka Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Baydhabo

 

14-02-2021

 

Baydhabo-(SONNA) – Wefdi uu hoggaaminaayo Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muuday ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee dowlad Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Waxana Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyey Guddoomiye Kuxigeenada 1-aad iyo 2-ee Barlamaanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Socdaalka wafdiga ayaa ah Is Xog Wareeysi ku saabsan Xaalada Siyaasadeed ee Dalka iyo midda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee soomaaliya, asagoo kulamo kala yeelan doono Madaxda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee soomaaliya Mudane Cabdulcasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Leave a Reply