14-02-2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi Farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ee la isugu imanaayo, kaasoo lagu dhammeystirayo Wadahadalladii Arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.
Xubnaha Guddiga ee uu Sii-Hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha, uu magacaabay waa kuwa soo socdo:
1) Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya
2) Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji: Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
3) Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir
4) Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir
5) Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowlad Goboleedka Galmudug
6) Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Dowlad Goboleedka Galmudug
7) Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowlad Goboleedka Hirshabelle
8) Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Dowlad Goboleedka Hirshabelle
9) Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Dowlad Goboleedka Jubaland
10) Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka, Dowlad Goboleedka Jubaland
11) Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad: Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowlad Goboleedka Puntland
12) Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta, Dowlad Goboleedka Puntland
13) Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta, Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed
14) Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.
Sii Hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Dowadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u rajeeyay guddigan in ay u gutaan waajibaadka loo igmaday si hufan oo ay xilkasnimo ku jirto.
Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhyeenka Dowladda Sii Haaysa Xilka Dowladda Soomaaliya, ayaa Warbaahinta u aqriyay Guddiga uu Shirka Doorashada u magacaabay Sii Hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Dowadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.
Xigasho: Radio Dalsan