Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Loo Qaybiyay Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lambar, 92/2020

 

14/02/2021

 

Hargesa (SOLNA) – Fadhigan oo uu shir guddoominaayay Guddoomiyaha Golaha Guuritda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi loo qaybiyay Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lambr 92/2020.

Geesta kale, Guddoomiyaha Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir ayaa mudanayaasha golahaasi uga war bixiyay kulanno ay la qaateen mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa oo ay guddidu ay wax ka weydiiyeen hawlaha kala duwan ee ay qaranka u hayaan, isaga oo sheegay in ay mas’uuliyaantaasi ay si habboon uga jawaabeen su’aalihii ay weydiiyeen guddidaasi.

Ugu dambayn Xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa galay fasax dhan hal wiig, iyadoo mudadaa ay fasaxa ku jiraana ay ka soo baan degi doonaan sidii ay u dhamayn lahaayeen xeerarka golahaas hor yaala ee ay gacanta ku hayaan guddiyada kala duwan ee golahaasi.

Leave a Reply