Cabdi Xaashi Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Hannaanka Loo Dhisay Golaha Adeega Garsoorka

 

14-02-2021

 

Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kasoo horjeestay Hanaanka loo dhisay Golaha Adeega Garsoorka, oo uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

War-qoraal ah oo uu soo saaray Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in magacaabista golahan uu baalmarsanyahay Dastuurka, isla markaasna aysan soo magacaabi karin Golaha Wasiirada sida ku cad Qodobka 112 ee Dastuurka, kaasi oo aan golaha u oggoleyn in ay magacaabaan guddiyada madaxa bannaan oo uu kamid yahay Guddiga Adeega Garsoorka.

Waxaa uu sheegay Cabdi Xaashi in 22-kii Bishii November 2020 Golaha Shacabka ee Baarlamaanka usoo diray Aqalka Sare Qaraarka uu ansixiyay 7 xubnood oo kamid noqnaya Golaha Adeega, kuna jiraan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka iyo Xeer Ilaaliya Guud.

Guddoonka Aqalka Sarre waxaa ay sheegeen in aysan soo gaarin wax go’aan xukumadeed oo sharci ah kaasi oo lagu meel mariyay xubnaha la magacaabay ee adeega garsoorka; si uu u guto waajibaadkiisa dastuuriga.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa u soo jeediyay in madaxweyaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaah Farmaajo iyo Xukuumaddaba in ay joojiynan ku xad­gudubka qodobada darstuuriga ah iyo sharuucda dalka inta laga soo dhisayo Hay’ado Dastuuri ah oo cusub una hoggaansamaya dastuurka kumeel gaarka iyo sharuucda kale ee dalka.

Golaha Adeega Garsoorka ayaa waxaa hore u ansixiyey Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, waxaana sixiixay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo aan loo gudbin Golaha Aqalka Sare.

Hoos Buu Yaalaa Qoraalka, Lagana Aqrisan Karaa

.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply