Booliska Oo Baaraya Haween Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

 

14-02-2021

 

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyada Ururka Al Shabaab la xiriiriyay Dilka Saddex Haween ahaa oo Saakay dil loogu gaystay Magaalada Muqdisho.

Haweenkan ayaa waxaa Meydadkooda lagu arkay Waaxda Kur-damac ee Degmada Dayniile, waxayna dadka deegaanka sheegeen inaanay wejiyadooda aqoonsan.

Dadka Reer Dayniile ayaa argagax ka muujiyay qaabka loo dilay dadkaasi, oo sida ay sheegeen ay noqoneyso markii ugu horeysay oo dil wadareed Haweenka loogu gaystay degmadaasi.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in laba kamida Haweenkaasi ay Xaamilo ahaayeen, isla-markaana uu Boolisku baarayo falkaasi.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 kamid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen xubno la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Hal habeen kahor ayay ahayd markii Meydadka afar nin oo la dilay lagu arkay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho, xilli aan la garanayn cidda dishay.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply