Taliska Booliska Oo War Kasoo Saaray Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

 

13-02-2021

 

Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka ayaa ka hadlay Qarax Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar Koontarool oo laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Gaariga Qarxay oo noociisu ahaa NOAH uu xoog kusoo maray Bar Koontarool oo Ciidanka Booliska Dowladda ku leeyihiin meel ku dhow Isgoyska Dabka, kadibna la rasaaseeyay, sidaasina gaariga ku qarxay Isgoyska Sayidka Muqdisho halka laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada.

Booliska Dowladda ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo goobta agdhawaa, waxaana goobta ku dhaawacmay 7, kuwaasi oo Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho la geeyay.

Sidoo kale Booliska ayaa xaqiijiyay in 8 Gaadiid iyo 9 Mooto Bajaaj ay ku burbureen qaraxu, wuxuna Booliska sheegay in aysan jirin khasaaro dhimasho ah oo soo gaaray dadka, maadaama ay dadka ka kala carareen rasaasta lagu furay gaariga.

“Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 Gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo Naftii Haligihii waday gaariga qarxay.” Ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana sawirro halkaas laga soo qaaday lagu arkayay gaadiid badan oo burbur xoogan soo gaaray iyo xarumo ganacsi ah.

Xigasho: Hiiraan Weyn News

Leave a Reply