Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

 

12-02-2021

 

Qarax dhawaqiisa siweyn looga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw ka dhacay inta u dhaxeysa KPP iyo Isgoyska Bakaaraha.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaar ahaan qaraxan oo ahaa miino la dhiggay meel aan ka ogeyn Maqaaxi lagu magacaabo SAARA oo ku taala Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda lama sheegin khasaare ka dhashay qaraxan oo kamid noqonaya qaraxyo waayadii ugu danbeeyay ku soo batay Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan noocan ah ayaa lagu bartilmaameedsadaa Saraakiisha Dowladda iyo Gaadiidka ay la socdaan Ciidamada Qalabka Sidda. – Hiran Online News

 

Leave a Reply