Maxkamadda Madaniga Ah Ee Gobolka Hiiraan Oo Sii Daysay Dad Horay Xabsiga Loo Dhigay

 

11-02-2021

 

Maxkamadda Madaniga ee Gobolka Hiiraan ayaa sii deeysay 7-ruux oo shacab oo isugu jira Rag iyo Dumar kuwaasi oo Dowlad Goboleedka Hirshabelle xabsiga dhigeen 08 02 2021, kuwaasi oo horay loo soo qab-qabtay.

Dadka lasoo qabtay ayaa loo haystay arrimo ay kamid yihiin Kicin Dadweyne, dhowr maalin kahor ayeyna maxkamadda dhageeysatay kiiska dacwada dadkaasi loo heestay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Cabdiraxiin Taakooy ayaa Go’aanka Maxkamadda ku dhawaaqay, waxuuna uu sheegay in dadkaasi aysan dhameestirneyn eedda loo heestay isla markaana waafaqsaneyn Heerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo Heerka Garsoorka, Qodobka 122 dambi la’aanta xeerka ciqaabta ayey Maxkamadda dadkaasi kusii deeysay. – Radio Dalsan

Leave a Reply