Duqeymo Ka Dhacay Qeyba Kamid Ah Gobolka Jubada Dhexe

 

11-02-2021

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in Duqeymo Diyaaradeed laga fuliyay qaybo kamid ah gobolkaasi, waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan duqeyntaasi.

Ilaa afar duqeymood ayaa lagu soo warramayaa in ay fuliyeen Diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya Ciidanka Dowladda Soomaaliya, waxaana si gaar ah duqeymahaasi ay kaga dhaceen Degmada Saakoow iyo Deegaanka Salagle ee Gobolka Jubada Dhexe, warar hoose oo soo baxaya ayaa ku warramaya in duqeyntaasi lagu beegsaday xubno katirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dad goob joogayaal ah ayaa soo wariyay in ay maqlayeen jug xooggan oo ay fuliyeen Diyaradaha Mareykanka, waxaana weerarka oo xalay xilii dambe dhacay fuliyay sida la sheegay Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Danab iyo Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka u qaabilsan Afrika, iyadoo Saraakiil katirsan Dowladda ay sheegeen in ay khasaaro gaarsiiyeen Dagalamayaasha Al-Shabaab ee ay bar-tilmaameedsadeen.

Sidoo kale wararku waxaa ay intaa ku darayaan in la bur-buriyay Goobo Al-shabaab ay ku farsameyn jireen Qaraxyada, balse ma jirto cid ka madax-bannaan Saraakiisha Dowladda oo xaqiijisay in la bur-buriyay goobahaasi.

Taliska mareykanka ee AFRICOM ayaa mar waliba waxaa uu fuliyaa duqeymo ay la beegsadaan Dagaalamayaasha AL-Shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in Mareykanku uu ku dhawaaqay in ciidamadiisa uu kala baxayo Soomaaliya. – Hiiraan Weyn News

Leave a Reply