Ciidamada Dowlada Oo Howlgalo Ka Fuliyey Deegaano Hoos Taga Degmada Jowhar

 

11-02-2021

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Xoogga Dalka ay howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah Dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga fuliyeen deegaano hoostaga Degmooyinka Jowhar iyo Raage Ceelle ee Gobolka Sh/ Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay iska hor imaadyo kooban kala kulmeen dagaalyahanada Al-Shabaab, intii ay socdeen howl-gallada.

Sidoo kale saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay khasaare lixaad leh ay gaarsiiyeen Kooxda Al-Shabaab. – Dafeet News

Leave a Reply