Biyo La’aan Ka Taagan Degaanno Katirsan Dowlad Degaanka Soomaalida

 

10/02/2021

 

Wararka ka imaanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in biyo la’aan ba’an ay ka taagan tahay Degmada Fiiltu ee Xaruunta Gobolka Liibaan iyo nawaaxigeeda.

Biyo la’aanta ayaa saamayn weyn ku yeelatay shacabka magaaladaas ku dhaqan, iyada oo laga cabsi qabo in maalmaha soo socda ay xaaladdu ka sii darto.

Biyo la’aanta ayaa timid kaddib markii warihii biyaha ee laga cabbi jiray ay gureen, ayadoo markii horeba ay maalada ku yaraayeen biyaha oo inta badan ku tiirsnayd biyaha roobka oo qura isla markaana aan la hayn ceelal iyo riigag loo baxsado marka biyo la’aantu ay dhacdo.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ayaa ka dayriyey xaaladda ay ku sugan yihiin dadka iyo duunyada ku dhaqan deeganadaas haddii aanay wax isbaddalin maalmaha soo socda. – Radio Risaala

Leave a Reply