09-02-2021
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil sar-sare oo katirsan Ciidamada Xoogga Dalka.
Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa looga hadlay howlgalada dalka ay ka wadaan Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiisha ciidamada, isagoo dhageystay halka ay marayaan howl-galladii u dambeeyay ee ciidamada ka sameeyeen guud ahaan dalka.
Saraakiisha kulanka ka qeyb-gashay ayaa waxaa kamid ah Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabaas Amiin, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Biixi, Taliye iyo Saraakiil kale oo katirsan Hoggaanka CXDS. – Radio Kulmiye