Saraakiil Ciidan Oo Gaaray Jowhar

 

09-02-2021

 

Wafdi uu hoggaaminayo Taliska Ciidanka Kummaandooska DANAB Ururka 7-aad Guutada 16-aad ee Ciidanka Kummaandooska ahna Ku-simaha Taliyaha Guutada 16-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimad Dowlad Goboleedlka Hirshabeelle, iyadoo halkaas ay ku soo dhaweeyeen Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiishan ciidan ee gaaray Magaalada Jowhar oo uu hoggaaminayo Kusimaha Taliyaha Guutada 16-aad Xasan Maxamed Cismaan ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Saraakiil Ciidan iyo xubno katirsan Maamulka Hirshabeelle .

Taliyaha ayaa kulamo gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka DANAB iyo kuwa Milateriga Dowladda Federaalka, isagoo kala hadlay howlgalada kala duwan ee ka socda Deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

Wuxuuna Saraakiisha ciidan ee uu la kulmay faray in ay sii wadaan howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab ee ka socda Deegaanada Hirshabeelle iyo kuwa lagu xaqiijinayo amniga. – Shaaciye News

Leave a Reply