09/02/2021
Hargeysa (SOLNA) – Mudaneyaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyey ajandaha kalfadhigooda afar iyo toddobaatanaad.
Fadhigan oo uu shirgudoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Koobaad ee Golahaas Mudane Siciid Jaamac Cali, waxaana fadhigaas ka soo xaadiray 42 Mudane, iyaga oo cod gacantaag ah u qaaday ansixinta Ajandaha Kalfadhigooda 74aad, waxaana ogolaada 39 Xildhibaannada, halka uu diiday 1 Mudane, iyada oo uu ka aamusay 1 Xildhibaan guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayaanu ka ansaxay Ajandaha Kalfadhiga afar iyo toddobaatanaad ee golaha guurtidu.
Waxaana Ajandaha afar iyo toddobaatanaad ee Goalaha Guurtida kamid ah qodobo muhiim u ah qaranka oo ay kamd yihiin Siyaasadda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Nabadgalyada, Arrimaha Bulshada, Deegaanka iyo Dhaqaalaha dalku.