Ciidamo Katirsan NISA Oo Xoog Ku Galay Xarun Telefeshin

 

08-02-2021

 

MUQDISHO – Ciidamo katirsan Nabad Sugida Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inays si sharci darro ah ku galeen Xarunta Telefeshinka Somali Cable oo ku taal meel u dhow Isgoyska Degmada Boondheere ee dhinaca Degmada Warta Nabadda.

Sida lagu daabacay Bogga uu Telefeshinka ku leeyahay Barta Facebook, ciidamada ayaa katirsan kuwa degan Godka Jilacow, waxaana ay kaxeysteen laba kamid ah shaqaalaha oo kala ah Sayid Cali oo Cameraman ah iyo Darawalka TV-ga.

Sidoo kale Maamulka Tv-ga Somali Cable waxaa ay sheegeen in Ciidanka NISA ay Bistoolado ku qabteen Shaqaale katirsan Telefeshinka, isla markaana aan la ogeyn sababta.

Waana markii 2-aad oo Ciidamada NISA ay gudaha u galaan Xarunta Somali Cable, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in dib loo siidaayay labada kamid ah shaqaalaha oo ay ciidamada kaxeysteen. – Radio Risaala

Leave a Reply