Caynte ”Dalku Wuxuu Galay Marxalad Weligiis Uusan Hore Arag”

 

08-02-2021

 

Cabdiraxmaan Caynte oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu galay marxalad uusan weligiis hore u soo arag, kadib markii ay dhammaatay mudada xil-haynta madaxweynihii dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyadoo aan heshiis lagu ahayn hannaanka looga gudbayo marxaladdan.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Cabdiraxmaan Ceynte waxaa uu ku qor;“Maanta, dalkeennu wuxuu galay marxalad uusan waligiis hore usoo arag. Wali ma dhicin in muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne la doortay ay dhammaato iyadoo aan heshiis siyaasadeed lagu aheyn hannaanka looga gudbayo marxaladda kala guurka.”

Sidoo kale Cabdiraxmaan Ceynte ayaa ku tilmaamay marxalada uu dalku marayo in ay tahay cambaar abid ku samaysnaan doonta taariikhda dalka.

“Waa cambaar kale oo abid ku summadeysnaan doonta taariikhda dalkeenna. Waxayna dhaawac ku tahay Masuuliyaddeeda koobaadna waxay ku dhaceysaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”

“Sidoo kale, natiijada aan la oddorosi karin ee ka dhalata isku koolleynta madaxtinimada dalka waxaa dhabarka u ridan doona mudane Farmaaajo,”ayuu sii raaciyay qoraalkiisa Cabdiraxmaan Ceynte oo hore soo noqday wasiirka qorsheynta dowlada federalka.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa fikrado kala duwan ka bixinaya xilligan ay dhamaatay afartii sano ee madaxweynaha dalka. – Jowhar News

Leave a Reply