Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Kulmaya Maalinta Berri Oo Ah Isniin

 

07-02-2021

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay in maalinimada berri ah ay yeelan doonaan kulan looga hadli doono Ajandayaal dhowr ah.

Xildhibaanada ayaa lagu wargaliyay in berri oo Isniin ah oo ay Taariikhda tahay 08 Febraayo (February), uu jiri Kulan Weynihii Golaha Shacabka, iyadoo lagu war galiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay soo xaadiraan kulankaasi.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa Ajandayaasha kala ah: Akhrinta 3aad ee wax kabadelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Warbixin ku sahabsan wax qabadkii 100 maalmood ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaana kulanka baarlamaanka uu ku soo beegmayaa xilli ay dhamaatay mudada xil haynta Madaxweynaha Dalka, kamana muuqato ajandayaasha inay kamid yihiin arrimo ku saabsan madaxtinimada dalka. – Hiiraan Weyn News

Leave a Reply