(UPDATE 1) Ergo Ka Socoto Dowladda Mareykanka Baa Soo Gaartay Muqdisho + Sawiro Hore

 

07-02-2021

 

Muqdisho (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ee Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ay kasoo degeen labo dayuuradood oo sido Ergo ka socoto Dowladda Mareykanka, gaar ahaana Wasaarada Arimaha Dibada ee Dowladda Mareykanka.

Warka wuxuu ku darayaa in Ergada Dowladda Mareykanka ee timid Muqdisho ay Kulan Gaar ah la yeelanayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) isla markaana ay kulanka kula yeelanayaan Garoonka Dayuuradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), iyada uu kulankaasi uu Goobjooge ka noqon doono Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Warka wuxuu kusii darayaa in kulanka looga hadli doono guud ahaan Arrimaha Siyaasada ee Soomaaliya, gaar ahaana Fashilka Haaysto Doorashooyinka Soomaaliya, iyo sidii loo xalin lahaa Arrimaha Siyaasada ee Soomaaliya.

Bishii Disheember 22-deedi, sanadii 2008-dii, ay aheyd markii ay Dowladdii Mareykanka ay Madaxweynehii Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Rai’sul Wasaarihii Soomaaliya Nuur Xasan Xuseyn (Nuur Cadde) ay u soo direysay Diblomaatka Mareykanka ee Afrika, Jendaaye Fareeser (Jendayi Frazer) isla markaana ay Kulamada Gaar-gaarka ah ay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Rai’sul Wasaare Nuur Xasan Xuseyn (Nuur Cadde) ay kula yeelaneysay Garoonka Dayuuradaha ee Neyroobi (Nairobi).

File – President of Somalia Abdullahi Yusuf (Left) and U.S. Assistant Secretary of State for African Affairs Jendayi Frazer (Right) | Photo: Getty Images

FILE – Prime Minister Nur Hassan Hussein (Right) has been at loggerheads with President Abdullahi Yusuf Ahmed over a new cabinet and peace talks. PHOTO: AFP

Waxaa xigtay in 29-kii Disheember, 2008-dii uu iscasilo Madaxweynehii Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed maadaama lagu wargeliyay inuu isu casilo sida ugu dhaqsi badan, iyada oo lagu badbaadinayo Dalka Soomaaliya.

Maanta waxaa Soomaaliya laga badbaadinayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Mudo Xileedkiisa uu ku egyahay 8-da Febraayo, 2021-da.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Graet Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh isl markaana kulul.

 

Leave a Reply