Madaxweyne JFS Oo Khudbad Ka Horjeediyay Golaha Shacabka

 

06-02-2021

 

Muqdisho (SONNA) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka hor jeediyay maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay tiradooda gaareysay 189 Mudane.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka u sheegay in wakhtigooda dhamaaday, balse ay gudanayaan waajibaadkooda, iyagoo gaaraya go’aanno masiiri ah.

Mudane,Farmaajo ayaa Golaha Shacabka u sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax bannaan, islamarkaana ay tahay inaan la dhageysan waxa ay sheegayaan shisheeyaha, taasina ay tahay go’aan masiiri ah oo qof walba u yaalla.

Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in ay doorashada isaga imaan doonaan Madaxda Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, hadii kulankan is af-garad laga gaari waayanna ay talada u soo celin doonaan baarlamaanka.

Hadalka madaxaweynaha uu maanta ka jeediyay golaha shacabka ayaa ku soo aadaya xilli Magaalada Samareeb lagu gabagabeeyay shirkii wada tashiga Dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka.

Leave a Reply