M/Jubbaland Oo Ka Jawaabay Eedeyntii Loo Jeediyay & Shirka Lagu Kala Tagay

 

06-02-2021

 

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warceliyay eedeynta xukuumadda uga timid, sidoo kale waxa uu ka hadlay natiijo la’aanta Shirka Dhuusamareeb & arrinta Gobolka Gedo.

Madaxweyne Madoobe ayaa sheegay in uu ka gaabsanayo ka hadalka waxyaabo badan oo uu sameeyay Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan laga fileyn in uu ku doodo arrinta Gobolka Gedo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu dul istaagay heerarka kala duwan ee loosoo maray isaga oo sheegay in Beesha Caalamka uu u gudbiyay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Gedo oo ay mas’uul ka tahay Dowladda Federaalka.

“Madaxweyne aniga ma rabi kuraas iyo doorasho balse waa in si wanaagsan ay u dhacdaa doorashada, aniga khatar ma gelin karo guddi doorasho oo aan dhaq-dhaqaaq u lahayn Gobolka Gedo, waa in aan ilaalinaa nidaamka & dastuurka dalka si looga fogaado wax waliba oo kicin kara ama abuuri kara dhibaatooyin dambe” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha DG Jubbaland ayaa yiri “Waa nasiib darro in wiilal Soomaaliyeed ay maanta is hor fadhiyaan oo dhiggooda ku dadaaliyaan dagaalka Gobolka Gedo, waxa aan ka xumay in maalin weliba diyaarado hub iyo rasaas lagu qaado oo laga dejiyo Gedo”.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa baarlamaanka federaalka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan maslaxada dalka, maadaama muddo xileedkooda uu dhammaaday, isaga oo ka digay in dalka dib loo celiyo sida uu hadalka u dhigay. – Hiiraan Weyn News

Leave a Reply