Kalfadhigii 74aad Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Si Rasmi Ah U Furmay

 

06/02/2021

 

Hargeysa (SOLNA) – Mudaneyaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland waxa maanta si rasmi ah ugu furmay kalfadhigoodii afar iyo toddobaatanaad, kadib markii ay ka soo noqdeen fasaxii dastuuriga ahaa ee ay ku jireen.

Fadhigan oo uu shir gudoominayey Guddoomiye Kuxigeenka Koobaad ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Siciid Jaamac Cali, wuxuuna guddomiye kuxigeenku uu mudaneyaasha warbixin ka siiyey waxyaabihii u qabsoomay golahaas muddadii u dhaxeysay labada kalfadhi, oo uu sheegay in dhinacyada nabadgalyada iyo siyaasadda hawlo badan laga qabtay, isaga oo xusay diwaangelintii dalka ka qabsoontay iyo talaabooyinkii la qaaday sidii ay doorashooyinku guud ahaan dalka uga qabsoomi lahaayeen.

Wuxuuna Guddoomiye Siciid Jaamac Cali, uu xusay in doorashooyinka sannadkan dalka ka qabsoomayaa ay kaga duwan yihiin doorashooyinkii hore in Gobolada Sool iyo Sanaag Bari ay sannadkan ka qabsoomayso, taas oo uu tilmaamay in ay muujinayso nabadgalyada taamka ah ee dalka oo dhan.

Gebogebadii, Guddomiye Siciid Jaamac Cali, waxa uu mudaneyaasha golahaas u soo jeediyey in ay doorkooda ka qaataan Wacyigelinta Bulshada ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Adkaynta Nabagalyada

Leave a Reply