Gabar Ardayad Ahayd Oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Baydhabo

 

06-02-2021

 

Hanaan Barre oo kamid ahayd ardayda wax-ka-barata Magaalada Baydhabo ayaa caawa lagu dilay magaaladaasi, kadib markii ay haleeshay rasaas ay furayn ciidamada.

Tani ayaa waxay ka dambeysay markii bambo gacmeyd lagu weeraray hoyga uu Magaalada Baydhbao ka degan yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Wararka ayaa sheegaya in Ilaalada Hoyga Taliyaha ay qaraxa kadib ay fureen rasaas xoogan, taasoo haleeshay laba gabdho oo Hanaan Barre kamid tahay oo xilligaasi agagaarka gurigaasi marayay.

Hanaan Barre ayaa dhaawacaasi ugu geeriyootay Isbitaalka weyn ee Baydhabo.

Hanaan waxay kamid ahayd ardayda wax-ka-barata Jaamacadda Baidoa International University (BIU), waxayna dhawaan u fariisatay imtixaankii ugu dambeeyay ee Jaamacadda.

Hoyga bambada lagu weeraray ayaa ku yaala Nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta ee Baydhabo, gaar ahaan halka lagu magacaabo Isgoyska Samafone, mana jirto cid falkaasi loo qabtay. – Universal TV Somali

Leave a Reply