Fadhiga Golaha Shacabka Oo Laga Saaray Xubnihii Ka Socday Aqalka Sare

 

06-02-2021

 

Muqdisho – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxmed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta shir guddoominaya kulanka golaha ayaa xubnihii ka socday Aqalka Sare ku war-geliyey inay isaga baxaan hoolka, maadaama kulanka maanta uu u gaaryahay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale sheegay in kulanka maanta uusan aheyn mid mudada loogu kordhinayo Xildhibaanada iyo Xukuumadda.

Maxmed Mursal ayaa xildhibaanada ka hor sheegay in kulanka ajandahiisu uu yahay oo kaliya dhageysiga Khudbadda Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale, Xildhibaanada Aqalka Sare ee diiday amarka Gudoomiyahooda Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo shalay qoraal uu soo saaray ku sheegay in aysan helin wax codsi ah oo uga yimid madaxweynaha, ayaa maanta laga saaray Kulanka Golaha Shacabka.

Xigasho: Somali Weyn News

Leave a Reply