Wararkii Ugu Danbeeyay Iska Horimaadkii Xalay Ka Dhacay Dulleedka Dhuusa-Mareeb

 

05-02-2021

 

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay hub iyo gaadiid ay ka furteen Xoogagga Ururka Al-shabaab oo dagaal kooban ay kula galleen Dulleedka Degmada Dhuusa-Mareeb.

Al-shabaab ayaa xalay mar kale hoobiyayaal ku tuuray Magaalada Dhuusa-Mareeb oo ay ku shirsan yihiin madaxda ugu sareysa dalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada oo ka arinsanaya qabsoomida doorasho leysku raacsan yahay.

Saraakiisha ayaa sheegay in iska horimaadka ay ku qabteen qori hoobiye ah oo ay adeegsanayeen Al-shabaab, gaadiid iyo waliba hub fudud iyaga oo intaa ku darray in ay dileen siddeed xubnood oo katirsan xoogagga weerarka soo qaaday ee madaafiicda ku tuurayay magaalada.

Waa markii labaad oo Al-shabaab ay madaafiic ku weeraraan Dhuusa-Mareeb tan iyo markii uu furmay shirka halkaa uga soconaya madaxda heer federaal iyo dowlad gobolleed. – Hiran Online News

Leave a Reply