Wararkii Ugu Dambeeyey Shirka Ka Socda Dhuusamareeb

 

05-02-2021

 

Magaalada Dhuusamareeb waxaa wali ka socda Shirka Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Madaxwayanaha Dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada muranka ka taagnaa inta badan is-afgarad laga gaaray, balse wali la isku mari la’ayahay Qodobka Gobolka Gedo.

Madaxda ayaa ilaa xalay saqdii dhexe ka wadahadlayay Arrinta Gobolka Gedo, ilaa haddana ma jirto natiijo la shaaciyay inay ka soo baxday.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Maxamed (Falagle) ayaa sheegay in madaxda ay muujin doonaan dadaal ku aadan sidii arrintan xal looga gaari lahaa.

“Qodobka Gedo, ayaa arrinta ugu cuslaa isagana xalay goor dambe la isla gaaray, wax war murtiyeed ah-na ilaa hadda kama soo bixin,” ayuu yiri Mr Falagle.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in uu rajeynayo in saacadaha soo socda is-afgarad laga gaari doono.

“Qodobkan (Gedo) waxaan is leenahay saacadaha soo socda in go’aan wax ku ool ah oo umadda Soomaaliyeed ka farxiya laga gaari doono,” ayuu intaa ku daray. – Radio Shabelle

 

Leave a Reply