Horjoogihii Al-Shabaab U Qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Galgaduud Oo Gacanta Lagu Dhigay

 

05-02-2021

 

Dhuusamareeb – Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goordhow soo bandhigey horjoogihii Qaybta Qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Xasan Cabdinuur Daad “Carey’s” kaasi oo kamid ahaa maleeshiyaad xalay lagu qabtey howlgal ciidamadu ka fuliyeen Duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Horjoogahaan oo hoggaamiyay koox xalay isku daydey in ay hoobiyaal ku soo tuuraan Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa laga daaweynayaa dhaawac ka soo gaarey dagaalka, waxaa sidoo kale goobta la keenay gaarigii ay wateen iyo qori ah B10 oo ay adeegsanayeen, sidoo kale ciidamada ayaa goobta ku soo bandhigey qoryo fudud iyo meydadka xubno katirsan Alshabaab oo lagu dilay dagaalkii xalay.

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/Gaas Xuseen Xoosh Cali iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ay wehlinayaan Masuuliyiinta Maamulka Dhuusamareeb ayaa ku amaaney Ciidamada Gor-Gor ee howlgalkaan fuliyay, sida ay uga hortageen qorshihii Alshabaab ee ahaa Carqaladeynta Amaanka Magaalada. – Radio Muqdisho

 

Leave a Reply