Mucaaradka Oo Sheegay In Aysan Aqbali Doonin In Hay’adaha Dowladda Ee Waqtigooda Dhamaaday Ay Maamulaan Dalka

 

04-02-2021

 

War Qoraal oo ka soo baxay musharixiinta mucaaradka ayaa waxaa madaxda ku shirsan Magaalada Dhuusamaeeb loogu baaqay in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay si loo meel mariyo qodobada kasoo baxa shirka.

“Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu hore ugu baaqay in shirka ka dhacaya Magaalada Dhuusamarreeb uu noqdo mid loo dhanyahay oo ay ka qayb galaan Saamileyda Siyaasadeed Iyo Ururrada Bulshada, si go’aammada ka soo baxaya ay u noqdaan kuwa wada oggol ah oo la meelmarin karo, meteli karana rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Golaha Musharixiinta ayaa waxaa ay ka digeen inaysan aqbali doonin in dalka ay xukumaan shaqsiyaad iyo hay’ado mudo xileedkooda dastuuriga dhamaaday.

“Goluhu wuxuu ka digayaa inuusan aqbali doonin in dalka ay xukumaan shakhsiyaad iyo hay’ado muddo xileedkooda dastuuriga dhammaaday.”

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply