Dagaal Ka Socda Magaalada Baladweyne Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

 

 

04-02-2021

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in saaka magaaladaasi uu ka socday dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Malleyshiyo Hubeysan.

Dadka degaanka ayaa kusoo waaberiistay saaka dagaalka oo socda, waxaana dadka degaanka ay soo sheegayaan in dagaalku uu yahay mid xooggan, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo jugta iyo dhawaqa rasaasta laga maqlayo xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan helnay ayaa sheegaya in ciidanka uu hoggaamiyo Janaraal Xuud ay xalay si dhuumaalaysi ah kusoo galeen magaalada, waxaana ka war helay Ciidanka Dowladda ee ku sugan Magaalada Baladweyne, taasi oo keentay in dagaalku uu qarxo subaxnimadii hore ee saaka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa, inkastoo aan wali la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka ka socda Magaalada Baladweyne.

Ciidanka uu hoggaamiyo Janaraal Xuud ayaa horay dagaallo xooggan waxaa ay la galeen Ciidanka Dowladda ee ku sugan Baladweyne, waxaana inta badan dagaaladaasi ay waxyeelo kasoo gaartay dadka shacabka ah ee lagu dul-dagaalamay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Jabhaddaasi ay kasoo horjeeddo Maamulka Cusub ay Dowladda Soomaaliya ay ka dhistay Magaalada Jowhar, kaasi oo Shacabka Hiiraan ay sheegeen in aysan aqoonsanayn Maamulkaasi Hir-Shabeelle oo ay Dowladda Soomaaliya ay ka dhistay Magaalada Jowhar isla markaasina uu hoggaamiyo Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply