Dagaal Beeleed Ka Socda Warsheekh Iyo Maamulka Degmada Oo Baaq U Diray Dowladda

 

04-02-2021

 

Maamulka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay tuulooyin hoos yimaada Degmada Warsheekh.

Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Xasan Darafeey oo la hadlay Dalsan TV ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid xooggan oo khasaaro farabadan uu ka dhashay, waxaana intaas uu ku daray in loo baahan yahay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaalkaas.

“Sagaal guri ayaa lagu gubay tuulooyinka hoostaga degmada. Dagaal beeleedyadaa socda. Dagaalka, Ciidamada Dowladda ayaa qeyb ka ah. Madaxda Dowladda DF, Hirshabeelle iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxaan ka codsaneynaa in si deg deg ah loo soo faragaliyo arrintaan,”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Xasan Darafeey.

Dhanka kale, waxaa uu sheegay in dagaalka ay ku lug leeyihiin Ciidamo Katirsan Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay qayb ka yihiin dagaalka, iyagoo la kala safan beelaha dagaalamaya.

Dagaal beeleedka ka socda Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa gaystay khasaaro kala duwan, waxaana malleyshiyadka dagaalamaya ay iska gubeen guryo, beero iyo dhul-daaqsimeed ballaaran, waxaana jirin ilaa hadda waan-waan nabadeed oo la dhex-dhigay dadka walaalaha ah ee dagaalamaya. – Radio Dalsan

Leave a Reply