Shirka Wadatashiga Oo Ka Furmay Magaalada Dhuusamareeb

 

03-02-2021

 

Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa goordhow ka furmay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo shirka uu dib uga dhacay waqtigii u qorsheeyay Madaxweyne Farmaajo oo ahaa 1-3 Febraayo.

Madaxda ka qeybgalaysa shirkan ayaa ku kala aragti duwan ajandaha shirka iyadoo hore shirar kala duwan laga soo saaray heshiis ay adkaatay fulintiisa.

Shirkan oo laga yaabo inuu socdo muddo saddex cisho ah ayaa laga yaabaa in dib u dhac ku yimaado ballantii Madaxweyne Farmaajo ee Baarlamaanka labada Aqal inuu khudbad u jeedin doono 5-ta bisha Febraayo oo ku beegan maalinta Jimcaha. – Jowhar News

Leave a Reply