Faah Faahino Kasoo Baxaya Weerar Ka Dhacay Magaalada Muqisho

 

03-02-2021

 

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo xalay rag hubeysan ay ka fuliyeen Gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Weerarka oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa lagu qaaday hoyga uu Guddoomiyaha Dayniile, Maxamed Abuukar Jacfar ka dagan yahay Degmada Howl-wadaag.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in ciidamada ammaanka ay rasaas fureen, kadib weerarka, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo la weerarayo Hoyga Guddoomiyaha Maamulka Degmada Dayniile, Mudane Maxamed Abuukar Jacfar. – Radio Shabelle

 

Leave a Reply